Allbanaadir.com
NEWS

Sacuudiga oo xukun qoor goyn ah ku fuliyay Axmed Maxamed Xasan oo Soomaali ah

Sacuudiga ayaa xukun dil qoor goyn ah ku fuliyay Muwaadin Soomaaliyeed oo horey u dilay haweeney Soomaali ah.

Axmed Maxamed Xasan Cabdi ayaa lagu helay inuu si bareer ah u dilay marxuumad la oran jiray Farxiya Buulle Xasan sida uu qoray Wargeyska Al-riyadh ee ka soo baxa dalka Sacuudiga.

Gacan ku dhiiglaha la qisaasay ayaa dilka haweeneyda u adeegsaday toorey ka dib markii uu u dhacay Hoy ay ka daganeyd magaalada Jidah ee dalka Sacuudiga.

Dilka denbiilaha ayaa yimid kadib markii qoyska marxuumada ay boqortooyada Sacuudiga ka dalbadeen in loo qisaaso gacan ku dhiiglaha la qisaasay.

Maxkamad ku taalla Sacuudiga ayaa sheegtay in iyadoo la tixgalinaayo rabitaanka qoyska marxuumada la go’aansaday in xukun dil ah lagu fuliyo gacan ku dhiiglaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

RW Abiy Ahmed ka farxiyey xisbiyada Siyaasada dalka Itoobiya

Caydiid Ali

Taliye horey u soo Maamulay xabsiga Jeel Ogaaden oo loo Magacaabay xil culus

Caydiid Ali

Dal Afrika kuyaala oo loogu Deeqay Geel loogu tala galay in Argagaxisada kula dagaalamaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---