Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Nin Kenyan ah oo lagu dilay Boosaaso iyo Faah faahino kasoo baxaya dilkiisaa

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu dilay nin u dhashay dalka Kenya oo u shaqeenayay shirkad kaluumeesi oo magaaladaasi ka shaqeysa.

Sida aan wararka ku helnay ninkan Kenyanka ah waxaa dilay askari ka mid ahaa ilaalada shirkada, waxaana la sheegay in ninka la dilay iyo askariga uu soo kala dhax galay murankan sababay dilka.

Masuuliyiin katirsan maamulka Puntland gaar ahaan maamulka gobolka Bari ayaa xaqiijiyay dilka loo geestay ninka ajnabiga, waxa ayna masuuliyiinta sheegeen in ay socdaan baaritaano ku aadan dilkan.

Magaalada Boosaaso ayaa horey dagaalyahano katirsan Al Shabaab ugu dileen maamulihii shirkada DPWorld u qaabilsanaa dekada Boosaaso oo u dhashay dalka Malta, mana ahan wax ku cusub Boosaaso dilalka loogu geesto dadka ajaaniibta ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo dib eegis ku sameyneysa Mushaharka Shaqaalaha rayidka

Caydiid Ali

Miinooyin la sheegay in laga keenay Eritrea oo Muqdisho laga soo dejiyay iyo cida lala beegsanayo oo …

Cabdi Cade

Booliska Muqdisho oo gacanta ku soo dhigay Ciyaal weero fal dil ah geystay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---