Allbanaadir.com
NEWS

Booliska Muqdisho oo gacanta ku soo dhigay Ciyaal weero fal dil ah geystay (Sawirro)

Booliska gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay koox ciyaal weero ah oo dhowaan wiil dhalinyaro ah ku dilay degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho.

Kooxdan oo ka kooban 14 xubnood ayaa lagu soo qabqabtay howlgal ay sameeyeen ciidanka Booliska saldhiga galbeed.

“Ciidanka Boliiska Gobolka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Dharkeynley iyo Saldhigga Boliiska  Wadajir,  howgal wadajir ah oo ay sameeyeen ayeey kusoo qabteen Eedeysanayaal tiradoodu gaareyso 9 eedeysane kuwaas oo Tr 30/5/2024 dil wadareed u geestay Marxuum Cabdi-Maalik Cali Cismaan 18 jir.” ayaa lagu yiri qoral ka soo baxay Booliska.

Booliska ayaa intaas ku daray in kooxdan ay ku socoto baaris lana horgeyn doonaa Maxkamadda awooda u leh.

“Muwaadin hadii aad la kulanto fal danbiyeed ama uu ku soo gaaro waxaad la xariirtaa xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soonaaliyeed ee 991 ama kusoo hagaaji banaadir@bolice.g.v.so” ayaa lagu soo gebagebeeyey qoraalka Booliska.

Related posts

Somaliland oo ciidanka DDS ku eedeysay iney ka qeyb ka yihiin dagaalka Laascaanood

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay ee Doorashada Madaxweynaha iyo Musharaxiin tanaasulaysa

Cabdi Cade

Sargaal kasoo goostay Al Shabaab oo maanta lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade