Allbanaadir.com
NEWS

DF oo dib eegis ku sameyneysa Mushaharka Shaqaalaha rayidka

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo uu weheliyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim ayaa shir guddoomiyay kulanka dib-u-habeynta Siyaasadda ku jaan go’an Mushaaraadka iyo Darajooyinka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shirkaan ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray sidii la is waafajin lahaa hannaanka mushaarka shaqaalaha Dowladda iyada oo lagu qiimaynayo heerka darajada aqooneed ee qofka shaqaalaha ah.

Guddiga shirkaan oo laba heer ka kooban (Heer Farsamo iyo Heer Siyaasadeed) ayaa la filayaa in ay soo saaraan siyaasad loo dhan yahay oo lagu saleyn doono hannaan ka guud ee darajada aqooneed ee mushaaraadka shaqaalaha Dowladda Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka soo qeyb galay Wasaaradda Maaliyadda,  Wasaaradda Shaqada iyo Arrimiha Bulshada, Xafiiska Ra’isul Waaaaraha, Guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo xubno matalayay Bangiga Adduunka iyo IMF.

Related posts

Dowladda Mareykanka oo bur burisay hub halis badan oo ay horey u sameesatay

Cabdi Cade

Ciidamada amaanka oo saakay Muqdisho ku toogtay burcad hubeesan

Cabdi Cade

Ku dhowaad 40 qof oo ku dhintay dab qabsaday dhisme ku yaalla Mangaf (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---