Daawo Sawirada “Sidee manta looga ciiday Magaalada Vänersborg ee Dalka Sweden!!

Waxaa Maanta Dadweyne fara badan u dareeren goobo loo cayimay Dadka Muslimiinta ah ku soo tukadaan salaadii ciidul Adaxa,Ayaa waxaa soo xaadiray dad aad u fara badan.oo ka kala yimid qaybaha kala duwan ee bulshada islaamka ah ee ku dhaqan magaalada Vänersborg ee dalka sweden.

Xarunta Islamiska kultur Center ee Vänersborg ayaa Waxa aye ugu baa qeen dhamaan Muslimiinta kunool Magalada Vänersborg in maanta oo Axad ah 10da bisha dulxaj taasoo ku beegan 11ka Augusti ee 2019 ay tahay Ciidul Adaxa

Dhalinyarada & Odayasha iyo Haweenka Caruurta magaalada ayaa intooda badan ku lebisnaa dhar aad u qurux badan oo ay ugu talo galeen munaasabada ciida iney ku soo dhoweeyaan, Sidoo kale qoysaska magaalada Vänersborg ayaa Salaadda kadib waxay caruurta u kaxeeyeen Goob loogu talagalay in Lagu ciyaarsiyo Caruurta si Caruurta loo dareensiiyo Qiimaha ay leedahay Munaasibada maalinta Ciidul Fidriga Maadaama caruurtaasi ay yihiin kuwo Aad u faraxasan

FG, Sawirada & Qoraalkan Waxaa Magaalada Vänersborg Nooga soo diray Abuukar Maxamed Maxamuud (abukar Gaab) oo ah Wariye kamid ah bahada saxaafada Somaliyed & shabakada Allbanaadir ee dagan magalada Vänersborg ee dalka sewen ee  Xafiiska Shabakada Allbanaadir Vänersborg sweden

- Advertisement -