Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Xeer Ilaalinta Jubbaland oo soo saartay Ammar ku socda Saraakiisha Booliiska

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Jubbaland ayaa ku amray laamaha booliska in ay u hoggaansamaan shuruucda iyo xeerarka u degsan haynta la tuhunsanayaasha iyo baarista eedeysaneyaasha ku xiran goobaha sharcigu u asteeyey sida Saldhigyada  iyo Xabsiyada.

Qoraal kasoo baxay Xeer-ilaaliyaha guud ee Jubbaland ayaa lagu sheegay in aan saldhig iyo xabsi toona lagu heyn karin wax ka badan 24-saacadood qof eedeesane, waxaana la faray booliiska iyo baarayaasha in maxkamad la geeyo qofka lasoo xiray.

Xeer ilaalimta Jubbaland ayaa sheegtay in dacwad lagu soo oogi doono sargaalkii aan u hoggaansamin amarkan, waxa ayna fareen saraakiisha booliiska iyo baarayaasha kiisaska in ay u hoggaansamaan xeerarka degsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamad milatari oo loo gacan galiyay Siyaasiyiin iyo dad kale oo taageersanaa Imran Khan

Cabdi Cade

(Sawirro) Kacdoon ka dhashay WhatsApp oo ka aloosan Mid ka mid ah dalalka Carabta

Caydiid Ali

Farmaajo oo Warqada Aqoonsiga maanta ka Gudoomay Labo Denjire cusub (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---