Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada : Quruxda Xaafada Daarusalaam iyo sida maanta loogu damaashaaday

Kumannaan ruux oo ka mid ah Dadka ku nool Caasimadda Muqdisho ayaa u Dukasho iyo damaashaad tegey Deegaanka Casriga ah ee Daarusalaam oo ku yaalla duleedka Magaalada Muqdisho.

Dadkan oo ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir & Deegaannada ku hareereysan ayaa Salaadda Ciidda ku oogey Barxadda weyn ee Masjidka Daarusalaam, iyagoo kadibna u dareeray in ay ku damaashaadaan Beerta Dalxiiska ee Daarusalaam oo si weyn loogu qalabeeyey Agabka ay Carruurtu ku ciyaaraan & goobo nasiino oo loogu talo galay Dadka waaweyn.

Qaar ka mid ah dadka u damaashaad tegey deegaankaan oo aan Microphone-ka la dhexmarnay ayaa muujiyey sida ay uga heleen bilicda & Agabka loo diyaariyey carruurta, waxa ayna bogaadin iyo mahad celin u direen Ganacsatadii hir gelisay Deegaankan.

Guddoomiyaha Deegaanka Daarusalaam Maxamed Sheekh Maxamuud oo saxaafadda la hadlay ayaa xusay in ay heegan ugu jiraan sidii ay u dabooli lahaayeen baahida macaamiisha usoo Dalxiis tagtay deegaanka, wuxuu sidoo kale xusay in ay soo kordhinayaan Qalab cusub oo isugu jira nuuca ay Carruurta & Dadka waaweyniba aya ku ciyaaraan.

Goobtan oo ah meel ammaan ah, ayaa waxa ay can ku tahay in dadweynaha ku nool Muqdisho & hareereheeda u dilxiis tagaan xiliyada ciidaha, iyadoo haatanna lagu soo kordhiyey adeegyo dheeri ah oo loogu tallo galay dadka usoo damaashaad taga Daarusalaam City.

Deegaankan oo kooban xaafado si casri ah loo dhisay, beero lagu dalxiiso, goobo wax barasho, Suuqyo & Xarun laga dhaliyo Korontada ayaa waxaa maal geliyey Bangiga Salaam Somali Bank.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaraxyo waxyeelo u geystay buundada isku xirta Ruushka iyo gobolka Crimea (Sawirro)

Caydiid Ali

Iiraan oo lagu eedeeyey iney ka dambeysey Weeraradii Maraakiibta Shidaalka (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaale oo kormeeray xarun KMG ah oo loogu talo galay in la dejiyo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---