Allbanaadir.com
NEWS

Booliska Muqdisho oo xiray nin Dumar isku ekeysiiyey (Sawirro)

Ciidanka Boliiska Gobalka Banaadir gaar ahaan Saldhigga Boliiska Xamar Weyne ayaa soo xiray eedeysane Axmed Suudi Macow Deeyow 30 jir ah

Qoraal ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in ninkan uu ku eedeysan yahay inuu ku kacay falal liddi ku ah dhaqan Suuban ee Soomaaliyeed sidoo kalana dooriyay jirkiisa.

Sawir laga soo qaaday ninkan ayaa muujinaya inuu isku ekeysiiyey Dumar, uuna xirtay dharka haweenka isagoo sameystay naaso waaweyn iyo timo dhaadheer

“Waxaa ku socota baarista Boliiska waxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda awooda u leh” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska ciidanka Booliska gobolka Banaadir.

Booliska Muqdisho ayaa mudooyinkan ku howlanaa  xariga dad ku eedeysan falal anshax xumo ah oo qaarkood baraha bulshada caan ka ah, kuwaasoo la sheegay in maxkamad la soo taagayo.


Related posts

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo falcelin culus ka bixiyey khudbadii Farmaajo

Caydiid Ali

Maxkamad sare ee Kenya oo go’aan ka soo saartay amarkii dowladdu ku xirtay Saddex TV

Caydiid Ali

Beesha caalamka oo fariin u dirtay Madaxda Soomaalida ee ku shirsan Dhuusamareeb

Caydiid Ali
Taboola Ads ---