Wasiir Cawad oo Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirada  Faransiiska iyo Jarmalka (Daawo Sawirada)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay Safiirada wadamada Faransiiska iyo Jarmalka usoo magacaabeen Soomaaliya.

Wasiir Cawad ayaa ugu horey warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay Safiirka cusub ee dalka Faransiiska usoo magacaabay Soomaaliya Marwo Aline Kuster-enager, waxa uuna Wasiirka safiirka ugu hambalyeeyay shaqadeeda cusub ee Soomaaliya

Safiir Aline Kuster-Menager waxa ay ka mahadcelisay habka uu u soo dhoweeyay Wasiir Cawad iyo yididiillada uu u muujiyay, waxa ayna carabka ku adkeysay in dadaal ballaaran ku bixin doonto sidii ay sare ugu qaadi lahayd xiriirka  Soomaaliya iyo Faransiiska.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa isla maanta Warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka gudoomay Safiirka cusub ee Jarmalka u fadhinaya Soomaaliya Marwo Annett Günther.

Wasiir Cawad ayaa safiirada kusoo dhaweeyay Soomaaliya, waxa uuna hambalyo kadib kula dar daarmay in ay ka shaqeyso sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya dalka Jaramlka .

Safiiradan cusub ee Wadamada Faransiiska iyo Jarmalka usoo magacawdeen Soomaaliya ayaa labaduba ah haween, waxaana la filayaa in ay saldhig ka dhigtaan dalka Kenya ay shaqadooda ka wadan doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -