Nabadoono lafahooda kala baxsanaya Kismaayo & sababta ka dambeysa

Caburin, handadaad iyo cabsi gelin la sheegayo in lagu hayo odayaasha beelaha Jubbaland ayaa saacadba saacada ka dambeysa iska soo tareysa magaalada Kismaayo kuwaasoo si toos ah loogu eedeynayo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Axmed Madoobe.

Qaar ka mid ah nabadoonada loogu talo galay iney soo xulaan Xildhibaanada cusub ee Baarlamanka Jubbaland ayaa ka baxsaday magaalada, halka qaar kalena ay dhuumaaleysi galeen ka dib markii ay lafahooda u baqeen.

Nabadoon magaciisa ku soo koobay Cabdi sababo amni dartood oo ka mid waxgaradka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamo uu usoo diray Axmed Madoobe ay u soo dhaceen gurigiisa, balse uu xiligaas ka maqnaa guriga, isagoo sheegay in caruurtiisa lagu handaday iney sheegaan halka uu jiro.

“Kaligey dhibkaas ma qabo, balse waxaa la baacsanayaa dhamaan waxgaradka ku nool magaalada Kismaayo, waxaan  dowladda federaalka ka dalbanaynaa inay wax ka qabato oo aysan indhaha ka fiirsan xaalada adag ee nagu ku heysata Kismaayo” ayuu yiri nabadoonka.

Qaar ka mid ah nabadoonada beelaha Jubaland ayaa dhowaan lagu dilay magaalada Kismaayo, kuwaasoo ka soo horjeeday Axmed Madoobe waxaana jira tuhun weyn oo la xiriira in maamulka talada haya ee Jubbaland ay wax ka maleegeen fulinta dilalkaas.

Dabayaaqada bishan Ogos ayaa horey loo shaaciyey in lagu qabanayo magaalada Kismaayo doorashada hogaanka Maamulka Jubbaland, inkastoo aysan hadda muuqan calaamado muujineysa in doorashadu dhaceyso xiligii loo qorsheeyey sababo la xiriira xiisada ka taagan magaalada Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -