Allbanaadir.com
NEWS

Mid ka mid ah dowladaha Yurub oo dalkeeda ka mamnuucday luqada Turkiga

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda gaadiidka ee dalka Austria ayaa lagu mamnuucay in luqadda Turkiga ay ka sii mid ahaato luuqadaha dadka baranaya darawalnimada looga qaado imtixaanka.

Inkastoo tira yar oo ka mid ah dadka baranaya darawalnimada ee dalkaasi ay door bidaan luuqadda Turkida, haddana waxaa la sheegayaa in luuqaddaasi tahay luuqadda labaad ee dalkaasi looga hadlo.

Wasiirka gaadiidka Austria, Norbert Hofer, oo ka tirsan xisbiga midigta fog ee Freedom Party ayaa sheegay in tallaabadaasi looga golleeyahay in lagu yareeyo kharashka dowladda uga baxaya tababarrada.

“Luuqad kastaa oo tababarka lagu bixinayo waxaa dowladda uga baxaya kharash badan oo aan loo qiil dayi karin,” ayuu yiri wasiirka.

Balse waxa uu intaasi ku daray in tallaabadaasi sidoo kale looga golleeyahay in dadka lagu dhiirigeliyo in ay bartaan luuqadda Jarmalka.

“Caadiyan waa arrin la xiriirta yaraynta kharashka balse sidoo kale waxaa muhiim ah in la kala caddeeyo luuqadaha ay tahay in dadku imtixaanka ay ku galaan,” ayuu yiri wasiirku mar uu la hadlayay idaacad ku taal dalkaasi.

Wasiirka gaadiidka ee Austria ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya dadka baranaya darawalnimada ay imtixaanka ku gali doonaan luuqadaha Ingiriiska, Koreshiyaanka iyo tan Slovenia looga hadlo.

Xisbiga uu wasiirkani ka tirsan yahay ee midigta fog oo ah mid aad uga soo horjeeda dadka soogalootiga ah ayaa jagooyin muhiim ah ka haya dowladda wadaagga ah ee dalkaasi Austria.

Isbadalkan lagu samaayay luuqadaha ay dadku ku galayaan imtixaanaadka ayaa ku soo beegmayo xilli uu sii xumaanayo xiriirka u dhaxeeya Turkiga iyo Austria.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia 
Allbanaadir@live.com 

Related posts

Jubbaland oo si adag u beenisay War laga faafiyay Markab kusoo xirtay Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Xassan Shiikh oo Villa Somalia ku qaabilay hogaamiye C/qaadir Firdhiye

Caydiid Ali

Wasiirka Amniga oo caawa kormeer kedis ah ku tegay xarumaha Booliska qaarkood (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---