Allbanaadir.com
NEWS

Barnaamijka taageerada dadka Jilicsan oo Muqdisho laga Daah-furay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa daah-furay barnaamijka taageerada dadka jilicsan ee abaaruhu samaayeen, kaas oo ay maalgalinayaan dowladaha Maraykanka iyo Britain.

Mashruucan oo socon doona muddo 5 sanno ah, waxaa ujeedkiisu yahay in la hormariyo nolosha dadka nugul ee ku nool miyiga iyo magaalooyinka iyadoo sare loo qaadayo koboca dhaqaalaha bulshadada Soomaaliyeed ee danyarta ah. Mashruuca waxaa maal-gelinaya heyadaha USAID iyo UKAID, waxuuna ka koobanyahay, Awoodsiinta iyo taageerada dhallinyarada, Dhiirrigelinta wax soosaarka gudaha, Kobcinta dhaqaalaha, Kalluumaysiga iyo Xoolaha nool.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in maashruucan wax-wayn tari doono bulshada nugul ee Soomaaliyeed, sidaa darted loo baahan yahay inay ka faa’iidaystaan, si shan sanno kadib ay uga maarmi karaan hay’adaha taakuleeya oo ayna gaaraan isku filnaansho ay sare ugu qaadi karaan waxsoosaarkoda.

Waxa daah-furka barnaamijkan ka qayb galay Wasiiradda Qorshaynta, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xanaanada Xoolaha, Beeraha iyo Waraabka, Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda iyo Safiirka Maraykanka, Safiir ku Xigeenka Britain iyo madaxa Hay’adda USAID.

Related posts

Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay, ka dib meydkeeda ku qariyey qaanad

Caydiid Ali

Markab ku soo jeeday dekeda Muqdisho oo laga afduubtay Badweynta India

Caydiid Ali

Dowladda Azerbaijan oo ku dhawaaqday in deeq Waxbarasho siineyso ardayda Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---