(Sawirro) India oo celisay Madaxweyne hore oo dalkiisa ka soo cararay

Hindiya ayaa dalkeeda ka ceyrisay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee dalka Maldives Axmed Cadiib oo wajahaya eedo la xiriiira isku-day dil iyo musuq-maasuq, kaasoo markii hore dalka ku tagay doon, sida ay sheegeen saraakiil dowladda hindiya ka tirsan.

Cadiib ayaa gaaray dekadda gobolka Koonfureed Tamil Nadu waxaana loo xiray inuu ogolaansho la’aan dalka Hindiya ku galay.

Sagaal xubnood oo la socday Madaxweyne ku xigeenkii hore ayaa ciidanka Ilaaladda xeebaha ee Hindiya waxay ku wareejiyeen Ciidanka amaanka ee Jasiiradda Maldives, sida ay daabacday Wakaaladda Wararka Reuters oo soo xiganeysa ilo Booliiska ah.

“Waxaa lagu wareejiyay masuuliyiinta dalkooda maanta oo sabti ah,” ayuu sarkaal Booliis ah u sheegay Wakaalada AFP.

Axmed Cadiib waxaa Xabsiga jasiirada Maldives laga sii daayay bishii May ka dib markii lagu waayay inuu isku dayay inuu dilo Madaxweyne Cabdalla Yamiin sabadkii 2015.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -