Dowlad Carbeed oo iibsaneysa 24 Diyaarad oo Nuuca Dagaalka ah

Dowlada Qadar ayaa qorsheeneysa in dalka Britain ka iibsato Diyaarado dagaal oo casri ah, waxaana iibsahada Dowlada Qadar Diyaaradahan uga baxaysa Balaayiin Dollar.

Dowlada Qadar ayaa dalbatay  26- diyaarad oo nuuca Eurofighter ee lagu farsameeyo dalka Britain, waxaana dowlada Qadar Diyaaradahan ku bixineysaa lacag ka badan 6-Bilyan oo Dollar.

Diyaaradahan ay dalbatay Dowlada Qadar ayaa la sameyn doonaa ilaa sanadka 2022-ka , Qandaraaskan lagu sameenayo diyaaradahan dagaal waxaa ka faa’iideesan doona kumanaan qof oo ka shaqeenaya.

Heshiiskan oo muhiim u ah labada dhinac ayaa waxaa magaalada Doha ku kala saxiixday xoghayaha difaaca Britain, Gavin Williamson iyo dhiggiisa Qadar, Khalid bin Maxamed al Atiyah.

Heshiiska Britain iyo Qadar waxaa qeyb ka ah in Doxa loo sameeyo madaafiic iyo qalab lagu hago gantaallada casriga ah . Qadar ayaa dalabka heshiiskan gudbisay bishii Sebtembar ee sanadkan.

Diyaaradahan oo ah kuwa casri ah ayaa lagu tilmaamaa in ay ka dheereeyaan dabeesha, Dowlada Qadar ayaana noqoneysa dowladii sagaalaad ee iibsada diyaaradahan casriga ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -