Daawo Sawirada: Siyaasiyiin Dowlada Mucaarad ku ah oo la kulmay Hey’adda Culimada Soomaaliyeed

Xildhibaano iyo Siyaasiyiin Dowlada Soomaaliya mucaarad ku ah ayaa kulan shalay magaalada Muqdisho kula qaatay Xubno kamid ah Hey’adda Culimada Soomaaliyeed oo lagu tiriyo in Dowlda taageero u yihiin.

Kulankan waxaa soo qaban qaabiyay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsasame waxaana goob joog ka ahaa Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya uu kamid ahaa Xildhibaan Faarax Sheekh C/Qaadir.

Culimada kulanka la qaatay Siyaasiyiinta Dowlda Mucaaradsan waxaa kamid ahaa Guddoomiyaha Hey’adda Culimada Sheekh Bashiir, Sheekh Nuur Baaruud, Sheekh Cali Wajiis, Sheekh Soomow, Sheekh Yuusuf Cali Ceynte iyo kuwa kale.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa is wareysi iyo cabasho ay Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ka qabeen xubno katirsan Hay’ada Culimada Soomaaliyeed ay ku eedeeyeen  in ay la safteen Dowlada .

Siyaasiyiinta Mucaaradka qaarkood oo kulanka ka hadlay ayaa Hay’ada Culimada Soomaaliyeed ka codsaday in ay dhax dhaxaad ka noqdaan Siyaasada dalka ayna qaataan doorkooda.

Culimada qaarkood oo iyana ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay qabaan tuhuno la xariira in siyaasiyinta Mucaaradka qaarkood lacago kasoo qaateen wadamo shisheeye ayna doonayaan in xasilooni daro dalka laga abuuro.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ay yeeshaan Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Hay’ada Culimada Soomaaliyeed , waxa ayna Labada dhinac ee kulanka yeeshay ku balameen in ay isugu yimaadaan kulamo kale si meesha looga saaro mad madowga jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -