Isku Aadka Wareega 16ka Ee Champions League Oo La Soo Saaray iyo Kooxo waa weyn oo isku aaday (Sawirro)

Waxaa maanta la sameeyay isku aadka Wareega 16ka ee koobka Champions League, waxaana sanadkan qoorta isku galay qaar kamid ah Kooxaha waa weyn ee usoo gudbay wareega 16-aad.

Kooxaha waa weyn ee isku beegmay wareegan ayaa waxaa ugu adag kulanka dhax mari doona kooxaha Real Madrid iyo Paris Saint-Germain, waxaana lugta hore ee ciyaarta labadan kooxood ay ka dhici doontaa garoonka Santiago Bernabeu.

Waxaa sidoo kale kulamada adag ee wareega 16-aad kamid ah kulanka ay wada ciyaari doonaan kooxaha Chelsea iyo Barcelona, labadan koox ayaana aheyn kuwa isku cusub, waxa ayna soo wada ciyaareen kulamo horey xasuusta u galay.

Kulamada kale ee ugu adag wareegan ayaa waxaa sidoo kale kamid ah kulanka wada ciyaarayaan Kooxda Juventus iyo kooxda Ingiriiska ka dhisan ee  Tottenham , waxa uuna kulankan kamid yahay kuwa ugu xiisaha badan wareegan.

Kooxaha ayaa isugu soo aaday sida tan :

Juventus v Tottenham

Basel v Manchester City

FC Porto v Liverpool

Sevilla v Manchester United

Real Madrid v Paris Saint-Germain

Skahtar Donestk v AS Roma

Chelsea v Barcelona

Bayern Munich v Besiktas

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -