Maxkamada Ciidamada oo Xukuno kala duwan ku riday Eedeesanayaal (Daawo Sawirada)

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukuno adag oo xabsi ah waxa ay ku riday shan dagaalyahan oo katirsan kooxda Al Shabaab , kuwaa oo ciidamada amaanka kusoo qabteen howlgalo kala duwan.

Xubnahan la sheegay in ay katirsan yihiin Al Shabaab ee xukunada lagu riday ayaa 3 kamid ah waxa ay horey usoo dhameesteen xukuno xabsi ah oo horey Maxkamada ugu riday, waxa ayna mar kale dib ugu laabteen kooxda Al Shabaab ay horey uga mid ahaayeen.

Maxkamada Darajada koobaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa saakay dhageesatay dacwadaha loo heestay eedeesanayaasha kala ah Abuukar Cabdi  Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali .

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa cadeymadaha dambiyada oo qoraal ah iyo markaatiyaal horkeenay Makxamadda Ciidamada, waxaana Sidoo kale Maxkamadda dhageystay Qareenada Eedeysanayaasha oo iyagana ku dooday in loo naxariisto Maadaama Eedeysanayaasha ay ku qasabtay kamid ahaanshiyada Al Shabaab dhaqaale xumo iyo Handadaad ay kala kulmeen kooxda.

Maxkamadda Ciidamada ayaa dhageesiga dacwada kadib ku xukuntay min Sideed (8)-sano oo xabsi Ciidan ah Seddaxda eedeysane ee kala ah Abuukar Cabdi  Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, kuwaa oo horey u soo dhameestay xukuno horey loogu riday balse mar kale dib ugu laabteen Al Shabaab.

Waxa sidoo kale Maxkamada xabsi min shan sano oo xabsi ah ku riday , Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali , waxaana labadan nin xukunka loogu qafiifiyay in ay tahay markii ugu horeesay ee cadaalada la horkeeno sida uu sheegay  guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Eedeysanayaasha Xukunada xabsiga ah lagu riday ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qanacsaneen xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad sida uu sheegay Gudoomiyaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -