Allbanaadir.com
NEWS

Inta badan xubnaha kamid noqonaya golaha Wasiirada Xukuumadda Xamse oo diyaarsan

Ra’isul Wasaaraha cusub ee xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa bilaabay la tashiyo ku aadan magacaabista golaha wasiirada, oo la filayo in dhawwaan ku dhawaaqo Ra’isul Wasaaraha.

Xamse Barre ayaa la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno kale oo aad ugu dhaw dhaw , waxa uuna kala tashanayay magacaabista golaha wasiirada iyo nidaamka loo marayo.

Sida aan wararka ku helnay inta badan wasiirada kamid noqonaya xukuumadda cusub ee Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa diyaarsan, waxaana wasiiradaasi badankood soo xulay Madaxweynaha iyo xubnaha ku gedaaman.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa tiro aad u yar ku yeelan doona golaha wasiirada in rabitaankiisa ku yimaadaan, waxaana inta badan wasiirada ka imaan doonaan kooxda Damul Jadiid iyo saaxiibada ku dhaw dhaw.

Golaha wasiirada cusub ayaa la filayaa in ay kasoo muuqdaan xubno katirsan xukuumadii hore iyo sidoo kale siyaasiyiin horey xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii kala duwanaa ee dalka soo maray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

IGAD oo wada qorshe ciidamo Nabad ilaalin ah lagu geynayo Khartuum

Caydiid Ali

Mataano la dilay 4 maalin kaddib dhalashadooda xilli aabahood uu…

Cabdi Cade

Dowlada Federaalka iyo dowlad Goboleedyada oo Heshiis cusub gaaray (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---