Maxaa ka hirgalay Qorshihii Kheyre u tagay Deegaanada Galmudug ? (Warbixin)

Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa socdaal horay aan cidina saadaali karin waqtiga uu qaadan karo waxa uu bishii June ee sannadkaan ku tegay deegaannada hoos taga dowlad gobaleedka Galmudug.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qorshihiisu ahaa in uu reer Galmudug ku caawiyo dhismaha dowlad gobaleed loo dhanyahay oo maamulkiisu ku baaho guud ahaan deegaannada oo qaarkood xilligaan ay Shabaab ka taliyaan.

Safarka uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ka billaabay magaalada Dhuusamareeb waxaa xigay booqashooyin uu ku tegay inta badan deegaannada xorta ah ee maamulka Galmudug uu ka taliyo, waxa uuna kulamo wadatashi ah la soo yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta deegaanka saameynta ku leh.

Khayre ugu dambeyn waxa uu saldhigtay caasimadda Galmudug, Qorshihiisa dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug-na waxaa soo dhaweeyay mucaarad iyo muxaafid. Intii uu ku sugnaa Galmudug, waxaa lagu guuleystay in lala heshiiyo Hoggaanka Ahlu Sunna, qaar kamid ah beelaha Galmudug ayaa hubkoodii iyo maleeshiyaad ay gaar u lahaayeen dowladda ku wareejiyay, waxaa la qarameeyay ciidankii Ahlusunna iyo maleeshiyaad beeleedyo kale, waxaa la isku dhafay ciidanka, amaanka Dhuusamareeb ayaa lagu wareejiyay ciidanka DFS, waxaa la magacaabay guddiga Qabanqaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug.

Wakiillada Beesha Caalamka oo Dhuusamareeb ugu Tegay Khayre ayaa si wadajir ah bogaadiyay dadaalka uu wado, waxaana sidoo kale Dhuusamreeb ugu tegay ganacsatada kasoo jeeda Galmduug oo ay ka wada hadleen horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga deegaanka. Guddiga loo magacaabay qabanqaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa maray deegaannada xorta ah si ay fariinta gogosha u gaarsiiyaan bulshada guud ahaan iyaga oo sheegay in sidoo kale dadka ku nool Ceeldheer, Ceelbuur iyo deegaannada lamidka ah in ay taleefan ku gaarsiiyeen casuumaadda.

Inkasta oo guula waawayn uu gaaray hadana waxaa soo wajahayay caqabado mararka qaar shaki gelinayay in uu guuleysan karo qorsha Khayre ee Dhismaha Galmdug Dhammays ah.

June iyo July ayaa Kkayre ugu dhamaaday Galmudug, waxaana safarka Ra’isul Wasaare Kheyre ku tagay Deegaanada Galmudug la tilmaamay in ay guul kusoo dhamaadeen, Kheyre ayaan dhiigiisa iyo dheecaakiisa u huray dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -