Allbanaadir.com
NEWS

Tuugo Badan oo hubeesan iyo waxyaabaha Maanka dooriya oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Ciidamada booliiska qeynta gobolka Banaadir gaar ahaan kuwa ka howlgala qeybta bari ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen kooxo burcad hubeesan oo dhac iyo dhibaatooyin kalaba u geesanayay dad shacab ah.

War kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ay soo qabteen in ay soo qabteen burcada hubeesan oo magaca ciidanka dowladda dad shacab ah ku dhacayay .

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa sidoo kale inta howlgalka wadeen soo qabtay mootooyin ay adeegsanayeen burcada iyo sidoo kale waxyaabaha maanka dooriya oo la iibinayay.

Ciidamada amniga ayaa maalmihii lasoo dhaafiyay xoojiyay howlgalada ay kula dagaalamayaan kooxaha burcada hubeesan iyo ciyaalka weerada ,kuwaa oo dhac iyo dhibaatooyin kalaba si joogta ah uga geestay degmooyin kuyaalla Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkii Golaha Wadatashiga oo maalintii labaad looga doodayo qodobo culus (Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaal ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

(Sawirro) Nin Maraykanku uu Madaxiisa dul dhigay Malaayiin dollar oo gacanta lagu dhigay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---