Allbanaadir.com
NEWS

Qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax la sheegay in uu ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay uu ka dhacay Isgooska KM-4 ee magaalada Muqdisho gaar ahaan afaafka hore Masjid kuyaala wadada aada dhinaca garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa ayaa dhacay xili goobtaasi uu maray gaari la sheegay in uu lahaa masuul katirsan dowlada, mana jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay qaraxan miino ee goordhaw dhacay.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo ka dhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa goobta xiray baaritaanana ka sameeyay, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in qaraxan uusan geesan wax dhibaato ah.

Qaraxyada miino ee lasoo dhigo hareeraha wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa xiliyada qaar waxa ay waxyeelo kasoo gaartaa dadka shacabka ah ee halkaasi mara,  waxaana qaraxyadan mararka qaar lala eegtaa gaadiidka ciidamada iyo kuwa madaxda la socdaan.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in uusan fulin doonin  Heshiis kasto oo lagu gaaro Shirka Muqdisho

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo Magacaabay 14 Guddi (Magacyada)

Caydiid Ali

Shaqaalaha Dowlada ee isku soo sharaxaya Xilalka Siyaasadeed oo fariin loo diray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---