Madaxweyne Biixi oo Odayaasha Hawiye ku wareejiyay Maxaabiis uu cafis u fidiyay (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay qaabilay wefti madax-dhaqameed ah oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha dhaqanka ee beelaha Hawiye, Mudane Maxamed Xasan Xaad.

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay madax-dhaqameedka ka socda beelaha Hawiye oo ka qabsoomay xalay xarunta qasriga madaxtooyada  Somaliland, ayey bahda dhaqanku madaxweynaha ugaga mahad celiyeen cafiska uu u fidiyey 19 maxbuus oo budhcad-badeednimo u xidhnaa, kuwaas oo laga soo wareejiyey dalka Seychelles, islamarkaana uu madaxweynuhu dhawaan cafis u fidiyey.

Madaxda dhaqanka ee beelaha Hawiye, ayaa maantaba usoo ambo baxay Muqdisho, iyaga oo hoggaaminaya 19-kii maxbuus ee uu madaxweynuhu cafiska kusii daayey, kuwaas oo muddo 9 (sagaal) sanno ah ku xidhnaa jeelka weyn ee magaalada Hargeysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -