Xubno ka tirsan Guddiga Dib-u heshiisiinta Galmudug oo la kulmay Waxgaradka Beesha Karanle (Daawo Sawirada)

Xubno kamid ah guddiga qaban qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa maanta muqdisho kulan kula qaatay Wax garadka Beesha Karanle /Mursade, waxa ayna ka wada hadleen sidii loo dar dar galin lahaa Dadaalada dibu heshiisiinta Galmudug

Kulankan oo ay ka soo qeeyb galeen wax garadka Beesha Karanle, Siyasiin ,Culimo iyo Dhalinyaro ayaa warbxin kaga dhageeystay Xubnaha ka tirsan guddiga dibu heshiisiinta Galmudug ee dib Muqdisho ugu soo laabtay .

Ugu horeen Dr Maxamed Nuur Gacal oo kamid ah Guddiga Dib u heshiisiinta Galmudug ayaa warbixin ballaaran ka siiyay dadkii ka soo qeeyb galay kulankan halka ay wax u marayaan , waxa uuna  sheegay in  magacaabistooda ka dib ay shaqo weeyn ka qabteen deegaanno iyo degmooyin ay socdaal ku mareen kuwaa oo ay ka mid yihiin Guriceel,Galinsoor, Xeraale, Dhuusamareeb  iyo deegaanno kale oo ay kula kulmeen bulshada ku nool iyaga oo kala hadlay sidii ay uga qeeyb qaadan lahaayeen dadaalada dibu heshiisiineed ee hadda Socda .

“Ra’iisuwlasaaraha xukuumadda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo muddo 40 Cisha ah ku sugan Galmudug waxa uu qabtay howlo waa weeyn oo ay ka mid yihiin Nabadeenta,Qarameenta Ciidamada Ahlusunna waljamaaca  iyo in dhammaan beelaha galmudug ay ka wada qeeyb qaataan dhismaha Galmudug loo dhan yahay “Dr gacal ayaa sidaasi Maanta ka sheegay kulankii Muqdisho ka dhacay .

Dhanka kale waxa uu sheegay in guddiga qaban qaabada shirweynaha Dib-u heshiisiinta Galmudug ee Xukuumada Soomaaliya uu magacawda  wajiga labaad howlahooda  ay u gudbayaan isaga oo raja wanaagsan ka muujiyay in ay ku guuleeystaan hirgalinta  gogosha dib u heshiisiinta ah ee la’isugu keenayo 11 beel ee wada dagta Galmudug.

Ugaas C/laahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde oo hormuud u ahaa Waxgaradka iyo salaadiinta kulan ka qeybgalay ayaa uga mahadceliyay Guddiga qaban qaabada Shirweynaha dib-u heshiisiinta Galmudug dadaalada  uu ugu jiro sidii la’isugu keeni lahaa dhammaan beelaha wada daga Galmudug oo ay u heshiinlahayeen

Dhanka kale waxa uu ballan qaaday isaga oo ku hadlaya magaca beesha Karanle in ay gacan ku siinayaan Guddigaan sidii uu howlaha qaran ee laa idmaday ugu guuleysan lahayeen .

Dhamaan Wax garadka , Siyaasiyiinta ,Culimada iyo dhalinyarada ka qeeyb gashay kulankan maanta Muqdisho ay kula qaateen xubnaha katirsan Guddiga dibu heshiisiinta Galmudug ayaa ballan qaaday in ay taageero la’bar bar taagan yihiin Guddigan ka shaqeynaya dibu heshiisiinta Galmudug .

Ugu dambeeyn Guddiga qabanqaabada shirweynaha dib-u heshiisiinta Galmudug ayaa shaaciyay in kulamadooda horudhaca ahaa ee dhacay 20-23ka July ay si habsami leh ugu qabsoomeen iyaga oo uga mahdceliyay dhammaan bulshada Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -