Wararkii ugu dambeeyey Suuqa Bakaaraha & Khasaaraha ka dhashay dabkii xalay qabsaday

Waxaa saaka degan xaalada suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo xalay qeybo ka mid ah uu baabi’iyey dab khasaare maaliyadeed geystay oo socday muddo dhowr saacadood ah.

Dabka ayaa ka bilowday qeybo ka mid ah Suuqa gaar ahaan goobta lagu iibiyo dharka celiska ah ee Hudheyda, isagoo ku fiday qeybta maacuunta iyo qeybo kale.

Gaadiidka dab demiska maamulka gobolka Banaadir iyo kuwa shirkadda hormuud ayaa gacan weyn ka geystay deminta dabkan.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo xalay ku sugnaa Suuqa sheegay in dabka uu baabi’iyay hanti badan oo ay laheyd ganacsatada isla markaasna ay xakameeyeen inuu ku sii fido guud ahaan Suuqa.

Tuulax wuxuu sheegay in qeyb badan oo kamid ah Suuqa uu gubtay balse inta ay ogyihiin aysan jirin dadka ku dhintay dabka .

Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan waxa dhaliyay dabka iyo dhibaatada rasmiga ah.

Waxaa suuqa saaka buux dhaafiyey dad fara badan oo isugu jira kuwo u soo daawasho tegay iyo ganacsaatadii ku hanti beeshay dabkan oo qiimeynaya inta uu le’eg yahay khasaaraha uu geystay.

Ma ahaan markii ugu horreysay uu dab qabsado Suuqa Bakaaraha  oo ah kan ugu weyn Soomaaliya oo dhan, waxaa horraan suuqaasi ka kacay marar badan dab gaystay khasaare aad uga badan kan hadda gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -