(Akhriso) Magacyada Maxaabiista Al-Shabaab & Daacish ee Xabsiga dhexe lagu dilay

Iyadoo dawladda Soomaaliya ay maanta sheegtay in 15 maxaabiis ah ay ku dhinteen iska horimaadkii shalay ka dhacay xabsiga dhexe, islamarkaana 7 kale oo maxaabiis ah la dhaawacay ayaa waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan magacyada maxaabiistaas iyo xukunada ay ku qaadanayeen xabsiga.

Mabaaxiista geeriyootay oo iskugu jiray kuwo ka tirsanaa Al-shabaab & Daacish oo dagaalamay iyo qaar kale oo ay haleeshay rasaastii la isweydaarsanayey ayaa koobnaa sidatan:

9 Maxbuus oo Xabsi Daain ah,

3 Maxbuus oo 15 Sanno oo Xabsi Ciidan ah.

1 Maxbuus oo 8 Sanno oo Xabsi Ciidan ah.

1 Maxbuus oo 6 Sanno oo Xabsi Ciidan ah.

1 Maxbuus oo dhaqan toosin u xirnaa

Maxaabiista ka midka ahaa kuwa lagu dilay weerarkii shalay. Waxa ku jiray Ibraahim Maxamuud Maxamed oo ku xukunnaa 15 sano iyo Maxamed Daa’uud Dirir oo ku magac dheeraa Dr Raage oo isna ku xukunnaa 15 sano, kaasoo horey uga tirsanaa Al-Shabaab balse markii dambe ku biiray Daacish.

Magacyadda maxaabiista kale ee la dilay waxaa ka mid ahaa C/salaan Maxamad Nuur oo loo haystay in isagoo NISA ka tirsan uu Alshabaab la shaqeeyay, iyo Gama’adiid oo ka tirsanaa Kooxdii Ilkacase oo ahaa madaxii howlgalada Al-shabaab ee gobolka Banaadir oo isna dil suge ah kana mid ah maxaabiista ku jirta xabsiga.

Iska horimaadka aya dhacay kadib markii maxaabiistu ay hub gacanta ku dhigeen kadibna ay weerareen ciidamada xabsiga.

Taliyaha ciidanka asluubta Jeneraal Mahad Cabdirahman waxa uu sheegay in maxaabiistu ay laba qori ka qaateen laba askari oo ay dileen, iyadoo Saraakiil dhinaca amniga ay sidoo kale sheegeen in maxaabiistu heleen bastoolado iyo bambooyin aan la ogeyn sida ay ku heleen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -