Mid ka mid ah dhaawacyadii loo qaaday Doha oo caawa geeriyooday (Xaalada Yariisow)

Magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa wararka naga soo gaaraya waxay sheegayaan inuu geeriyooday mid ka mida dhaawacyadii loo qaaday dalka Qatar ee ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay xarunta dowlada hoose

Waxa caawa geeriyooday Allaha u naxariiste Maxamed Cusmaan Cali oo ka mid ahaa 12 dhaawac ah oo Muqdisho laga qaaday Khamiistii Sida laga soo xigtay Wasiirada Dhalinyarrada iyo Isboortiga Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye oo la socota dhaawacyada loo qaaday dalka Qatar.

Dhinaca kale waxaa isbitaalka Hamad ee magaalada Doha lagula tacaalayaa weli 11 dhaawac ah oo uu ku jiro guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Dhaawaca Gudoomiyaha ayaa waxaa maanta  booqday qoyskiisa oo xalay  uga soo dhoofay dalka Inrgiriiska, waxaana xaaladiisa ay tahay mid degan

Adeegga caafimaad ee Isbitaalka la dhigay Guddoomiye Yariisow ayey sheegtay Wasiirad Khadiija inay tahay meel heer sareysa, iyadoo xustay in dhaqaatiirtu ay rajo wanaagsan ka muujiyeen xaalada gudoomiyaha iyo dhaawacyada kale ee la jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -