Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu yahay Shirka uu Aadan Madoobe kaga qeyb galay Algiers?

Shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta ayaa si rasmi ah uga furmay Magaaladda Algiers ee caasimadda wadanka Algeria, waxaana shirka sanadkan looga hadli doonaa arrimaha wadamada Carabta gaar ahaan xaaladda Falastiin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan wadanka Algeria  ayaa Soomaaliya ku matalaya shirkaas oo maanta si rasmi ah u furmay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirka ka jeedin doona khudbad dhinacyo taabaneysa oo uu kaga hadli doono muhiimadda shirkaasi uu dalkeena u leeyahay iyo kaalinta firifircoon ee ay Soomaaliya ku leedahay shirka iyo guud ahaan baarlamaanadda Carabta.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa inta uu ku suganyahay wadanka Algeria waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda ugu sareysa wadanka shirka martigelinaya ee Algeria, sidoo kalena waxa uu kulamo gaar gaar ah oo lagu xoojinayo xiriirka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo kan baarlamaanada carabta la qaadan doonaa Guddoomiyaasha Baarlamaanadda ee ka qeybgalaya shirka

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya Shir looga hadlayo xaalada Itoobiya

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in Cabdiweli Gaas uu mar kale u tartamayo xilka Madaxweynaha Puntland?

Caydiid Ali

DEG DEG: Ciidamo hubeysan oo caawa la wareegay qeybo ka mid ah Baladweyne (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---