Ku-simaha duqa Muqdisho oo booqday dhaawacyada qaraxii xarunta D/Hoose (Sawirro)

Ku-simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Gudoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Ibraahim Cumar Mahadale (Ibraahim dheere) ayaa galabta booqday dadkii ku dhawacmay qaraxii xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Dhaawacyadan oo jiifa Isbitaalka Erdogan ayaa ku-sumuhu wuxuu alla uga baryay inuu caafimaad siiyo kuwi dhintana allaha u naxariisto.

Dhinaca kale, Ibraahim Cumar Mahad-alle ayaa  qoraal ku magacaabay Guddi qaabilsan maareynta yo la-tacaalidda xaaladaha degdegga ah.

Wuxuu kaloo ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka shaaciyay in shaqadii Gobolka ay dib u bilaabaneyso, lana dardar gelinayo adeegii ay dowladda Hoose u heysay shacabka, sida uu shaaciyay afhayeenka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar.

Dhinaca kale xog laga helayo maamulka G/banaadir ayaa sheegaya in la isku heysto xilka ku-simenimada guddoomiyaha G/banaadir, iyadoo ku-xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasada Maxamed Tuulah uu ku doodayo inuu isagu yahay ku simaha Guddoomiyaha.

Hoos ka Akhriso qoraalka Ku-simaha gudoomiyaha gobolka Benaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -