Allbanaadir.com
NEWS

Taiwan & Somaliland oo kala saxiixanaya heshiis xasaasi ah

Warbaahinta Taiwan ayaa ku warantay in bartamaha sanadkan Somaliland iyo Taiwan kala saxiixan doonaan heshiis Milatari oo Somaliland u ogolaanaya qalabka milatariga oo ay ku jiraan kuwa gaadiidka Badda.

Warbixinta waxa ay intaas ku dartay in hubkani yahay mid ay iska badaleen ciidanka Taiwan oo lagu qalabeeyay hubkii ugu dambeeyay.

Somaliland ayaa dhowr dufcadood oo tababar ah u dirtay Taiwan.

Shiinaha oo ah mid ka mid ah wadamada ugu dhaqaalaha, siyaasada iyo awooda badan caalamka, waxa uu maalgalin ku sameeyay inta badan wadamada Africa oo ay tusaale u yihiin kuwa dariska.

Senotaro Maraykan ah ayaa Soomaaliya ugu hanjabay in ay qaadi doonaan talaabooyin aargudasho ah hadii aysan Soomaaliya ka laaban go’aanka ay ku diiday baasaboorka Taiwan.

Somaliland & Taiwan ayaa sheegta iney ka ka kala go’een Somalia & Shiinaha, hase ahaatee midkoodna aqooonsi kama helin Qaramada Midoobay iyo dalalka caalamka.

Related posts

Xiliga uu furmayo kalfadhiga 3-aad ee Baarlamanka Somalia oo la shaaciyay (Sawirro)

Caydiid Ali

Ruushka oo dhalasho siiyay Nin sir badan ka faafiyay Mareykanka si weyna u raadinayaan

Cabdi Cade

Ciidanka Israel oo qirtay khasaare ka soo gaaray weerarkii Iran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---