(Sawirro) Farmaajo:”Shacabka qasab laguma hogaamin karo iyadoo federal marmarsiiyo laga dhiganayo”

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladiisu dhiirigelineyso, kana go’an tahay hirgelinta nidaamka federaalka oo uu sheegay iney doorteen shacabka Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa hadalkan ka sheegay furitaanka kalfadhiga 6aad ee Baarlamanka Somalia oo maanta lagu qabtay Muqdisho.

Waxaa uu si dadban u weeraray Madaxda dowlad goboleedyada qaarkood oo uu ku eedeeyey iney doonayaan si khasab ah shacabka ku hogaamiyaan, iyagoo ku mar-mar siyoonaya iney fulinayaan nidaamka federaalka.

“Haddii ay jiraan kuwo aaminsan in dadka Soomaaliyeed ay khasab ku hogaamin karaan, waxaan leenahay dadka Soomaaliyeed way ka gudbeen xilligii lagu owrkacsan jiray” ayuu yiri Madaxweyne

Farmaajo ayaa sheegay iney diyaar u yihiin iney xaliyaan wax kasta oo laga tabanayo dowlada federaalka balse aysan aqbaleyn wax ka yar qaranimo.

“Waxaan naga go’an inaan dhageysano cid kasta oo wax tabaneysa, waxaan naga go’an inaan garowshiyo siino cid kasta garowshiyo leh, waxaan naga go’an inaan raali galino cid kasta oo raali galin mudan, waxaan naga go’an inaan ka mira dhalino dib u-heshiisiin waarta oo ka hirgasha dhammaan gayiga Soomaaliyeed, laakiin marna ma ogolaan doono inaan dib u laabano marna ma ogolaan doono inaan aqbalno wax qaranimada ka yar, marna ma aqbali doono cid kasta oo is hortaagta dib u-yegleelida Qaranimada Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in siyaasiyiinta qaarkood ay si qaldan u fahmeen nidaamka federaalka, wuxuuna xusay in dastuurku uusan madax banaani gaar ah siineynin dowlad goboleedyada dalka.

“Federaalka waa nidaam umadda Soomaaliyeed ay dooratay, umadda Soomaaliyeed illaa iyadu ay ka go’aansato inay wax ka bedesho dowlad ama koox gaar waxba kama bedeli karaan, waxaa nasiib daro in dad gaar ah si qaldan u fahmeen nidaamka, dastuurku federaalka wuxuu si cad u qeexayaa awoodaha dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, dowlad goboleedyada ma siineyso madax banaani gaar ah” ayuu yiri Madaxweynaha.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -