Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Caruurtii lagu xasuuqay dalka Yemen oo aas wadareed loo sameeyey (Daawo Sawirro)

Kumannaan qof ayaa ka soo qayb gashay aas wadareedka loo sameeynayey carruurta 40-ka ahayd ee ku dhimatay duqeyn ay toddobaadki hore Yemen ka geysteen xulafada sacuudiga uu hoggaaminaya.

Aas wadareedka wuxuu ka dhacay gobolka Sacda oo ku taallo waqooyiga oo ay xuutiyiinta gacanta ku hayaan.

Dad badan ayaa Sacuudi Carabiya ku mudaharaaday, iyaga oo si weyn uga soo horjeeda weerarrada uu Sacuudigu ku hayo Kooxda isaga oo taageeraya Dowladda Yemen.

Isbahaysiga ayaa weerarkooda waxay ku tilmaameen “mid sharci ah”, haddana waxay sheegeen inuu weerarkooda uu “waxyeello aad u badan uu heystay”.

Meydka carruurta ayaa waxaa lagu duubay mara cad waxaana meydadka lagu soo qaaday gawaari astaanta kooxda xuutiyiinta lagu dhajiyey.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in weerarka duqeynta ee dhacay “baaritaan madax-bannaan oo si deg-deg ah loogu sameeyo”.

Mas’uuliyiinta Xuuthiyiinta ayaa sheegay falka inuu yahay Dambi ay carruurta Yemen u geysteen Mareykanka iyo Xulafadiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Danab oo qabtay Madaxii dilalka Qorsheesan u qaabilsanaa Al Shabaab

Cabdi Cade

Warbixintii ugu dambeysay ee laga soo saaray Soomaaliya iyo cudurka COVID-19

Caydiid Ali

Somaliland oo War kasoo saartay Dagaal dhax maray ciidankooda iyo kuwa Puntland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---