Maxkamad la soo taagay nin ku eedeysan Daacish iyo inuu dilal geystay (Daawo Sawirro)

Dhageysiga Dacwada nin ka tirsan Kooxda Daacish oo falal dilal ah ka fuliyey magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso ayaa manata la soo gebagebeeyey, iyadoo la sugayo in xukun ay ka gaarto Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ee Somalia.

Eedeysane Aadan Max’ed Cali waxaa si gaar ah loogu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish una qaabilsanaa Qeybta fulisa dilalka qorshaysan, wuxuuna ka soo howlgalay Gobollada Banaadir iyo Bari, qaybna ka ahaa fulinta dilalka soo socda:-

1- Taariikhdu markay ahayd 24/09/2018 , wuxuua magaalada  Boosaaso ku dilay ExMarxuum L/x/le Axmed Hurfe Jaamac Barre oo ahaa  Taliyahii Gaadiidka Madaxtooyada Puntland.

2- Taariikhdu markay ahayd 25/10/2018, wuxuu sidoo kale Magaalada  Boosaaso ku dilay Marxuum C/raxmaan  Aadan Cali oo ahaa ganacsade sharaab ku iibin jiray Boosaaso.

3.- 19/01/2019 wuxuu degmada H/wadaag ku dilay labo marxuum oo lagu kala magacaabi jiray Marxuum Axmed Max’ed Nuur (Axmed Shiikhaal) oo ahaa Guddoomiye Laameed iyo Marxuum C/laahi Muxumed Cali (C/llaahi dheere).

4- 27/01/2019 wuxuu mar kale Degmada Yaaqshiid ku dily Ex-Marxuum Dable X. Axmed Cabdi Xuseen, iyadoo Ciidamada amnigu ay soo qabteen kadib markii uu dhaawac kaa soo gaaray fulinta dilka marxuumkaasi.

Sidoo kale waxaa maxkamadda lasoo taagay eedeysane C/shakuur Xaaji Barsanji oo lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay kooxda Daacish, eedeysanaha koowaadna gacan ka siiyay inuu ka baxsado gacanta ciidamada amniga, isla markaana uu Isbitaal geeyay dhaawiciisa.

Guddoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute oo soo xiray fadhiga Maxkamada ayaa sheegay in dhageysiga gar-maqalka labadan eedeysane uu intaas ku dhammeystiran yahay, isla markaana ay Maxkamada go’aan ka soo saari doonto dhowaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -