War-saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu faahfaahiyey halka uu marayo kiiska kufsiga iyo dilka dhowaan Muqdisho loogu geystay marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo aheyd gabar Soomaaliyeed oo ardayad ah.
Booliska ayaa warka soo saareen ku sheegay in baaritaanka kiiska uu marayo meel aad u wanaagsan, ayna u xiran yihiin illaa hadda 11 eedeynsane, iyadoo qaar kalena oo la tuhunsan yahayna lagu daba jiro.
Sidoo kale War-saxaafadeedka Booliska ayaa lagu soo hadal qaaday labo ka mid ah eedeysanayaashii xirnaa oo ay sii deysay Maxkamad awood leh, waxayna Boolisku Xuseen in maxkamadu sheegtay in labada qof aysan shaqo ku laheyn kiiskaas, markii loo baahdana la heli karo.
Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka oo dhameystiran
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com