Ra’iisul Wasaaraha dawladda caalamka aqoonsan yahay ee Yemen, Axmed Cawad Bin Mubaarak ayaa maanta ku dhawaaqay inuu xilka iska casilay
Waxaa uu is casilaadiisa ku sababeeyay in maamulka uusan awoodin isticmaalka awoodiisa dastuuriga ah oo uu ku gaari karo go’aamo uu dib u habeyn ku sameeyo maamulka oo ay ugu horreyso isku shaandheynta hay’adaha dawladda
iscasilaadan iyo khilaafka ayaa soo baxay xilli Mareykanka iyo xulafada Carabta ee taageerta maamulkan ay isku dayayeen inay ballaariyaan awoodda dowladan daciifka ah si ay u qaadaan weerarro ay dib ugu qabsanayaan dhulka ay Xuutiyiinta maamullaan ee Yemen.
Dhinaca kale, Kooxda Xuutiyiinta Yemen, ayaa dhowr gantaal ku weeraray saaka bartilmaameedyo kala duwan oo ku yaalla gudaha Israa’iil, iyadoo ciidanka Israa’iil ay ku andacoonayaan in dhammaan laga hortagay gantaallada Xuutiga.