Allbanaadir.com
NEWS

Garsoore sare oo katirsan QM oo loo xiray fal adoonsi ah

Garsoore QM ka tirsan ayaa lagu xukumay lix sano iyo afar bilood oo xarig ah sababo la xiriira inay haweeney ku qasabtay inay ugu shaqeyso sida addoon ahaan.

Lydia Mugambe, oo 50 jir ah, ayaa cilmiga sharciga ee shahaahada PhD ka dhiganeysay Jaamacadda Oxford markii booliiska ay ogaadeen in gabar yar oo Uganda u dhalatay ay gurigeeda ku heysatay ayna ku qsbeysay shaqooyin aysan lacag ku siin.

Mugambe, oo sidoo kale garsoore ka ah Maxkamadda ugu Sarreysa ee Uganda ayaa shalay lagu xiray Oxford Crown Court.

Garsoore David Foxton oo xukunka riday ayaa weriyeyaasha u sheegay in haweeneydan aysan wax jixinjix ah ka muujin waxa loo heysto, taas beddelkeedna ay eedda dusha ka saartay gabadha dhibbanaha ee u shaqeyneysay.

Related posts

(Daawo Sawirro) Khasaare lixaad leh oo ka dhashay dab qabsaday Suuqa weyn ee Jigjiga

Caydiid Ali

Daawo:-kormeerkii Madaxweyne Qoorqoor ee Ciidankii ku suganaa deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur !!

admin

Xiliga la qabanayo doorashada kursiga uu baneeyay RW Xamsa oo la shaaciyey (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---