Faah faahino kasoo baxaya Qaraxii labaad ee ka dhacay magaalada Dhuuso Mareeb

Faah faahino ayaa kasoo baxaya Qarax kale oo goordhaw ka dhacay  magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug, waxaana qaraxan la sheegay in uu ahaa mid miino dhulka lagu aasay.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa miino ayaa ka dhacay agagaarka saldhiga booliiska magaalada Dhuuso Mareeb, walina lama soo sheegin khasaaro ka dhashay qaraxan labaad ee ka dhacay Dhuuso Mareeb.

Ciidamada amaanka ayaa baaritaano adag ka wada magaalada Dhuuso Mareeb, waxaana la xiray wadooyin badan oo kuyaala magaalada Dhuuso Mareeb gaar ahaan wadooyinka gala xarumaha ay joogaan Madaxda dowlada iyo kuwa Galmudug.

Magaalada Dhuuso Mareeb ayaa xiligan  waxa aka socdo howlgalo adag oo lagu xaqiijinayo amaanka, waxa ayna ciidamada qabanayaan dad ay uga shakiyaan falal amaanka magaalada lidi ku ah.

Labo qarax ayaa saakay kaliya ka dhacay magaalada Dhuuso Mareeb, waxaana qaraxii hore isna la sheegay miino lagu aasay maqaayad yar oo kutaala afafaka hore xarun uu ku shaqeeyo Sheekh Shaakir.

Qaraxyadan ka dhacay magaalada Dhuuso Mareeb ayaa kusoo aadaya xili magaaladaasi joogo Raisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi la socda oo iosugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -