War cusub oo ka soo kordhay Soomaalidii dhowaan lagu xirxiray dalka Zambia

In ka badan 100 Muwaadiniin Soomaaliyeed ah, oo muddo 10-cisho ah gacanta ugu jiray booliska Dowladda Zambia, ayaa la siidaayey kadib dadaallo aan loo kala harin oo ay iska kaashadeen Madaxda Jaaliyadda, Safaaradda Somalia ee Zambia iyo Hay’adda QM u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

“88 Rag ah iyo 15 Dumar ah, ayaa dib u heley xoriyadooda, waxaana ku mahadsan intii kaqeyb qaadatay, waxaa wali xiran 9-Wiil iyo 2-Gabdhood oo aan sharci laheyn, berri ayaana Maxkamadda la soo saari doonaa, ujeedada Raafka kuma wajahneyn Soomaalida ee Dadka kasoo jeeda Dalalka Congo, Zimbabwe iyo Malawia ayuu yoolku ahaa, balse Soomaalida gacantaa ku dhacday” waxaa sidaasi xaqiijiyey Cabdiqaadir Mukhtar Ahmed oo ka mida Soomaalida la sii daayey.

Booliiska xarigga kula dhaqaaqay Soomaalida, ayaa codsaday Lacago badan si ay u sii daayaan, balse Maamulka Community-ga Soomaalida, ayaa arrtaas ku gacan sayray oo si sharci ah u maray xaaladda.

Raafka ayaa weli ka socda guud ahaan Dalkaasi Zambia, kaasoo ay wadaan Maamulka Madaxweynaha cusub, waxaana laga cabsi qabaa in ugaarsi qabqabasho ah oo midkaan ka daran  uu ka dhaco Wadanka.

Zambia, oo ka mida Dalalka Afrika ee ay Soomaalida ugu badan ku nool yihiin, ayaa waxay intooda badan ku joogaan 70% Documents ay UN-ka bixiyaan, halka qaarkoodna ay haystaan Work payments iyo  investment payments iyo qaar Citizens ah oo ku dhawaad 30-sano ku nool halkaasi.

Abdulrazak Indhajaceyl

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -