Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada:Qaraxyo lagu bur buriyay hoolka Nasiinada ee Garoonka diyaaradaha ee…

Waxaa maanta qaraxyo miino ka dhaceen gudaha garoonka Diyaaradaha magaalada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan, qaraxyadan ayaana la sheegay in lagu xiray hoolka dadku ku sugaan diyaaradaha .

Sida aan wararku ku helnay ilaa sadex qarax ayaa lagu xiray hoolka Nasiinada ee garoonka diyaaradaha Buulo Burte, qaraxyadan ayaana gabi ahaan bur buriyay hoolka dhinacyada looga xiray.

Lama soo sheegin wax khasaaro dhimasho ama dhaawac oo ka dhashay qaraxyadan ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Buulo Burte, qaraxyadan ayaana la sheegay xiliga ay dhacayeen in aysan cidna joogin hoolka lagu xiray.

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti iyo ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa baaritaano ka sameeyay gudaha garoonka diyaaradaha Buulo Burte, lamana soo sheegin wali cid loo soo qab qabtay qaraxyadaasi.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Yuusuf Dabageed oo guddoomiyay kulan u dhaxeeyay Hirshabelle Hay’addaha UN-ka (Sawirro)

Cabdi Cade

Qarax la doonayay in lagu weeraro guri kuyaalla Muqdisho oo la fashiliyay

Cabdi Cade

Kulan deg deg ah oo caawa ka socda xarunta Maamulka gobolka Banaadir

Caydiid Ali
Taboola Ads ---