Yaa Lahaa dareeskii ay wateen ragii weeraray Hotelka Cas Caseey ee Kismaayo ?

Dagaalyahano hubeesan oo katirsanaa Al Shabaab ayaa weerar isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah ku qaaday gabal dhicii jimcaha Hotelka Cas Caseey ee kuyaala magaalada Kismaayo .

Dableyda hubeesan ee qaraxa kadib gudaha u galay dhismaha Hotelka Cas Caseey ayaa la sheegay in ay xirnaayeen dareeska ciidanka dowlada gaar ahaan kuwa ay qaataan ciidanka booliiska .

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka kana mid ahaa dadkii ka bad baaday weerarka ayaa sheegay in dableydii weerarka qaaday ay xirnaayeen dareeska ciidanka booliiska.

Waxa uu xusay Xildhibaanka in dharka ay wateen raga weerarka geestay ay ahaayeen kuwii ugu dambeeyay ee dowlada federaalka booliiska ugu qeybisay  Ischool Polizio, waxa uuna xusay in ay jiraan tuhuno la xariira in weerarkan lasoo abaabulay.

“Dharka ay wateen afarta askari ee weeraray Hotelka wuxuu ahaa dharkii Booliska Federaalka ee ugu dambeeyay oo lagu qeybiyay School Polizio, mid waa is qarxiyay, labo waa la dilay, hal nin gacanta lagu hayaa”ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare.

Xildhibaan Xasan Yare oo kamid ah Siyaasiyiinta dowlada mucaaradka ku ah sidoo kale taageera Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay jiraan tuhuno la xariira in weerarka lagu  doonayay in Kismaayo looga dhigo meel aan amni aheyn oo doorasho lagu qaban karin.

“Aniga ka Xildhibaan ahaan waxaa tuhmayaa oo aan aaminsanahay dharka ay wateen, qaabka loo abaabulay, sida Madxatooyada u fikireyso iyo Hey’addaha ammaanka halkaas ka jira inuu jiro tuhun xiriir ka dhaxeeya Al-Shabaab iyo Madaxtooyada”ayuu yiri Xildhibaanka.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka lagu qaaday hotelka Cas Caseey oo lagu dilay siyaasiyiin, Saxafiyiin, Ganacsato iyo dad kale oo waxgadl u ahaa bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -