Iska hor imaad iyo dil maanta ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa saldhiga Dharkeenley iyo maleeshiyaad hubeesan ayaa maanta ku dagaalamay Xaafada Suuq Boocle ee degmada Dharkenleey.

Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii maleeshiyaad hubeesan ay damceen in lacago baad ah ka qaadaan guri halkaasi laga dhisayay, waxaana goobtaasi gaaray ciidamo booliis ah oo iska hor imaad kala kulmay maleeshiyaadka.

Lama oga wali khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka dhax maray ciidamada booliiska iyo maleeshiyaadka hubeesan, waxaana iska hor imaadka ka dhacay xaafada Suuq Boocle cabsi badan ku beeray dadka deegaanka.

Dhinaca kale askari katirsan booliiska Soomaaliya ayaa isgooska Danwadaagaha ee degmada Wadajir ku dilay asakri kale oo isna katirsan booliiska, kadib markii uu muran dhax maray labada askari.

Askariga la dilay ayaa la sheegay in uu gaari la socday uuna doonayay in uu ka gudbo bar koontarool hasa ahaatee waxaa diiday in halkaasi maro askariga dilka geestay oo goobta ka baxsaday markii uu dilka fuliyay.

Ciidamada booliiska ee ku sugan baraha koontarool ee yaala magaalada Muqdisho ayaa mararka qaar dilal u geesta dad shacab ah iyo dad kale oo dowlada u shaqeeya, waxaa sidoo kale ciidamadaasi lagu eedeeyaa in aysan si fiican ula dhaqmin dadka wadooyinka doonaya in ay maraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -