Duqa Muqdisho oo soo celiyay Guri mudo 28-sano ah xoog lagu heestay (Daawo Sawirada)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane  Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa hooyo Soomaaliyeed usoo celiyay guri mudo 28-sano ah xoog looga heestay.

Dadkii guriga heestay ayaa la sheegay in ay diideen in ay ka baxaan guriga kuna wareejiyaan dadkii lahaa, waxaana soo faragaliyay maamulka gobolka Banaadir oo awood u adeegsaday in guriga laga saaro dadkii heestay.

“Waad u jeedaan maanta Lul Mohamed Ahmed (Lul Dikriyow) oo muddo 28 sano laga heystay. Dadkii degenaa oo diidanaa inay u baneeyaan ayaan u sheegnay inaan sharciga horgeyneyno oo ay xabsi nuteysanayaan iyo inaan ku soo dalaceyno kiro 28 sano ah hadii aysan degdeg uga bixin. Tanoo suurto gelisay inaan maanta ku wareejino.

Duqa Muqdisho  ayaa ka digay cawaaqib xumada Aakhiro iyo mida adduun ee sugaysa dadka sida sharci darrada ah u deggan hantida muwaadiniinta kale ee doonaya in dib loogu soo celiyo xaqooda.

Hooyada Soomaaliyeed ee maanta loo soo celiyay guriga sanadaha badan xooga looga heestay ayaa u mahad celisay maamulka Gobolka Banaadir ee ku guuleestay in gurigeeda uga saaraan dadkii xooga uga heestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -