Sheekh Aadan Madoobe oo Madaxweyne Farmaajo ka diiday Dalab Xasaasi ah uu u gudbiyay

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 30-kii bishan kulan la qaatay guddoomiyaha cusub ee gollaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, waxa ayna labada dhinac kawada hadleen arrimo dhoor ah.

Kulanka Farmaajo iyo Sheekh Aadan Madoobe ayaa intiisa badan looga hadlay arrimo la xariira doorashada Madaxweynaha iyo sidoo kale khilaafka ka taagan Xildhibaanada lagu soo doortay gobolka Gedo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa warar soo baxaya sheegayaan in Guddoomiyaha cusub ee gollaha shacabka ka codsaday in uu meesha ka saaro Xildhibaanada labada dhinac ah ee lagu soo kala doortay Ceel-Waaq iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Waxa uu Farmaajo u sheegay Sheekh Aadan Madoobe in muhiim tahay in lagu tixgeliyo gobolka Gedo uu kasoo jeedo uuna codsanayo in meesha laga saaro labada dhinac Xildhibaanada si aysan cod ugu yeelan doorashada Madaxweynaha.

Sida aan wararku ku helnay Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka biyo diiday dalabka Farmaajo, waxa uuna u cadeeyay in Xildhibaanada lagu soo doortay Ceel-Waaq yihiin kuwa sax ah ay ansixiyeen guddiga doorashada sidoo kale guddonkii KMG dhaariyeen.

Kulanka labada masuul ayaana kusoo dhammaaday isfaham waa , waxa ayna u ballameen kulamo kale oo arrintan xal looga gaarayo, lamana oga in guddoonka Gollaha shacabka mar kale si cad ugu deerin doonaan Madaxweyne Farmaajo.

Farmaajo ayaa lahaa sababta in deegaan doorashada looga dhigo min labo magaalo si uu u maamusho dooarshada Xildhibaanada ee lagu waday in Garbahaarey ka dhacdo, waxa uuna hadda Farmaajo ku gorgortamaa in aysan cod ku yeelan doorashada Xildhibaanada Gedo laga soo doortay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -