Wafdi ka socda dowlada Qatar oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb (Daawo Sawirro)

Wafdi ka socday dowlada Qatar ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in wafdigan oo la socday dayuurad milateri ay ka koobnaayeen saraakiil ka tirsan Wasaarada gaashaandhiga Dowlada Qatar.

Raisul Wasaaraha Somalia iyo saraakiisha ciidamada dowlada oo shalay ku laabtay Dhuusamareeb ayaa la sheegay iney wafdigan kulamo la qaadan doonaan.

Lama oga ujeedada ay wafdigan ka socday dowlada Qatar u tageen magaalada Dhuusamareeb balse waxaa socdaalkoodu ku soo aadayaa xili todobaadyadii la soo dhaafay ay halkaas ka socotay diiwaangelinta ciidamada Ahlu suna oo lagu darayo kuwa Xoogga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -