Jubbaland oo shaki gelisay go’aanka Farmaajo ku wareejinayo doorashada & amniga

Jubbaland ayaa ka hadashay sida ay u aragto go’aankii uu Baarlamanka ka horjeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in arrimaha doorashooyinka iyo amniga uu ku wareejinayo Ra’isul Wasaare Rooble.

Maamulka Jubaland ayaa shaki ka muujiyay qaabka wareejinta ee la xiriirta arrimaha doorashooyinka iyo amniga iyo sida uu arrintan daacad uga yahay madaxweynaha.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland Eng Cabdi Xuseen ayaa sheegay in Farmaajo uu wareejiyey amniga doorashada balse uu weli hayo hogaanka guud ee ciidamada taasna ay tahay arrin shaki badan abuureysa.

“Sidii la rabay ma aha in xukunka uu wareejiyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, mana ahayn inuu amniga doorashada keliya wareejiyo, hoggaankii ciidanka ayuu weli hayaa waana inuu saxiixaa warqadda amar wareejinta ciidamada” ayuu yiri Eng. Cabdi Xuseen.

Wuxuu xusay in Jubbaland soo dhoweyneyso in hoggaaminta doorashada loo gacan-geliyo Rooble, balse ay tahay in si dhameystiran loogu wareejiyo, si looga fogaado qalalaase kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -