Ra’isul Wasaare Rooble oo ka biyo diiday Qorshe uu watay Madaxweyne Farmaajo (Xog)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseeb Rooble ayaa dhawaan si rasmi ah loogu wareejiyay shaqada iyo howlaha doorashada iyo amaanka si xal looga gaaro khilaafka doorashada Soomaaliya ka taagan.

Rooble ayaa hada wada abaabulka shir la filayo in ay isugu yimaadaan Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, inkastoo muuqato in shirkaasi qabsoomi doonin waqtigii horey u iclaamiyay Rooble oo ku aadan beri oo ah 20-ka bishan May.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa laga soo xigtay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo ka dalbaday Ra’isul Wasaare Rooble in uu usoo wareejiyo la taliyihiisa arimaha Doorashada Cabdi Cali Raage si uu ugala shaqeeyo arimaha doorashada

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa iska diiday in xafiiskiisa loo soo wareejiyo Cabdi Cali Raage si uu ugala shaqeeyo shirka dhawaan Muqdisho ka dhacaya iyo sidoo kale arimaha doorashada ee hogaaminteeda loo dhiibay Rooble.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Rooble sababta uu u diiday in loo soo wareejiyo lataliyaha Farmaajo ee arimaha doorashada in ay tahay in uu doonayo in kalsooni ka helo mucaaradka oo ka didaya hadii Cabdi Cali Raage ka hoos shaqeeyo Rooble.

Rooble ayaana la sheegay in Farmaajo ka codsaday in loo madax banaaneeyo arimaha doorashada iyo shirarka looga hadlayo, waxa uuna sheegay in uu heesto dad uu ku kalsoon yahay oo kala shaqeenaya arimaha doorashada iyo shirarka looga hadlayo.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la rumeesan yahay hadii si ka madax banaan rabitaan Farmaajo u wajaho arimaha doorashada iyo shiraraka looga hadlayo ka shaqeyn karo isku soo dhawaansho iyo in la qabto doorasho raali laga yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -