Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo caawa talo siiyay Kooxda Ahlu Sunna

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay xiisada Siyaasadeed ee ka taagan maamulka Galmudug iyo qorshaha dowlada federaalka Soomaaliya ku dooneyso in Ahlu Sunna heshiis la gaaraan si Madaxweyne Xaaf meesha looga saaro.

Mr Warsame ayaa sheegay in Dowlada Madaxweyne Farmaajo marar badan isku dayday in heshiis la gasho Madaxweyne Xaaf balse uu ka diiday, waxa uuna xusay in Villa Soomaaliya hada dooneyso heshiisyadii Xaaf ka diiday in ay la gasho kooxda Ahlu Sunna.

Waxa uu kula taliyay Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur kooxda Ahlu Sunna in ay ka fiirsadaan heshiiska ay la galayan Dowlada Nabad iyo Nolol inta ay tabarta hayaan oo aysan taladu seegin.

Halkan ka akhriso Qoraal uu arintan kaga hadlay Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Heshiiska Jabuuti ay ku gaareen Galmudug iyo Ahlu Sunna in la meelmariyo qodobadiisana lagu adkaysto ayuu heshiisku ahaa. Madaxweyne Xaaf in badan ayey Villa Somalia isku dayday in ay heshiis gooni la gasho wax kastana way u gaareen, laakiin in uu balanta iyo heshiiska dhowro ayuu ka doorbiday. Villa Somalia waxay isku deyaysaa in ay Ahlu Sunna miiska u saarto wixii uu shalay Xaaf ka diiday, iyadoo ujeedku yahay in labadooda la kala dilo, sharciyadii Galmudugna cirka lagu laalo, si ay u talinteedu u fududaato.

Haddii madaxda Ahlu Sunna ay balantii kaga baxaan oo ay dhabarka ka wareemaan madaxweyne Xaaf, waxaan shaki ku jirin in ay mar aan dheerayn ka shalaayi doonaan. Waxaa Ahlu Sunna kula talinayaa in inta ay tabarta hayaan aysan taladu seegin, sababtoo ah qolada Nabad iyo Nolol la baxday Galmudug N&N midna kama rabaan, mana yeeli doonaan in doorasho lagu qabto deegaan ay cid kale ka taliso oo aan iyaga hoos tegin.

Madaxweyne Xaaf waa nin labadii maamul ee Cadaado iyo Dhuusamareeb kala fadhiyey mideeyey, tanaasul kastana sameeyey, wax kastana u huray, sharaf iyo dadnimana ku difaacay, iskana diiday wax kasta oo heshiiskii Jabuuti wax u dhimaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -