Allbanaadir.com
NEWS

Raisul wasaare Khayre & Madax kale oo ka qeyb galay Xuska Munaasabada 20ka Disembar

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay wehlinayaan Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Ciidamada Booliska ayaa salaan sharaf ka qaatay Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Xuska loogu dabaaldegayo Sanad guuradii 74aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa lagu qabtay Xarunta Akedamiyada Jen. Kaahiye, waxayna ciidamada Booliska soo bandhigeen dabaaldagyo ay ku muujinayaan weyneynta maalintaas iyo qiimaha ay ugu fadhido bulshada.

Waxaa kale goob joog ka ahaa Wasiiro, Xildhibaano ka kala socda Labada Aqal, Wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo Masuuliyiin kale.

Taliyaha booliska ooka hadlay munaasabada ayaa ka waramay Taariikhdii aasaaska ciidanka, marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray iyo xaalada uu hadda ku sugan yahay.

Raisul wasaare Khayre ayaa isna hambalyo u diray dhamaan ciidamada Booliska iyo qoysaskooda, wuxuuna xusay in ciidankani uu laf dhabar u yahay xasilinta amniga dalka iyo la dagaalanka cadowga gudaha.

Booliiska Soomaaliya ayaa oo soo maray burbur xooggan ayaa hadda ku jira xaalad soo kabasho ah, iyadoo   Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dedaalo dheeraad ah ku bixinaysa Xoojinta iyo qalabaynta Ciidamada Booliiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Maamulka G/Banaadir oo ka jawaabay eedeyn ka soo yeertay Ururka Jaamacadaha

Caydiid Ali

(Sawirro) Guddigii farsamo ee uu Magacaabay Rooble oo kulankii ugu horeeyey yeeshay

Caydiid Ali

DEG DEG: Puntland oo go’aan adag ka soo saartay qorshaha wax ka bedelka dastuurka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---