Daawo Sawirada :Wasiir Sabriye oo la kulmay Sheekh Shaakir iyo Kulamo Xasaasi ah oo…

Wararka caawa ka imaanaya magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan kulamo siyaasadeed oo u dhaxeeya Wafdiga dowlada federaalka iyo madaxda maamulka Galmudug.

Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo xubno wafdigiisa kamid ah ayaa caawa magaalada Dhuuso Mareeb kula kulmay Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Shaakir.

Kulankan ayaa ahaa mid xasaasi ah oo labada dhinac uga wada hadleen arimo kala duwan, waxaana xubno ku dhaw dhaw labada dhinac sheegeen in ay jiraan qodobo labada dhinac isku fahmeen iyo kuwa la isku diiday.

Wasiirka arimaha Gudaha iyo xubnaha la socda ayaa sidoo kale caawa la kulmay masuuliyiin katirsan maamulka Galmudug iyo kooxda Ahlu Sunna , kulamadan ayaana ah kuwa xal lagu raadinayo.

Dhimaca kale Xubno katirsan Wafdiga dowlada ee maanta gaaray magaalada Dhuuso Mareeb ayaa caawa kulamo albaabada u xirnaayeen la qaatay Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, lamana oga waxaabaha kasoo baxay kulankaasi.

Magaalada Dhuuso Mareeb ayaa caawa ka duwan habeenadii hore, waxaana caawa magaalada laga dareemayaa dhaq dhaqaaq siyaasadeed, waxaana socda kulamo kala duwan ay leeyihiin Wafdiga dowlada iyo masuuliyiina Galmudug iyo kooxda Ahlu Sunna.

Dowlada federaalka ayaa dadaal badan ku bixineysa sidii meesha looga saari lahaa Madaxweynaha Galmudug oo gabaad ka dhiganaya kooxda Ahlu Sunna, waxa ayna dowladu rabtaan in kasbato Ahlu Sunna si doorashada Hogaanka Galmudug uga dhacdo Dhuuso Mareeb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -