Qarax Khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay magaalada Mandheera ee dalka Kenya

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ayaa haleelay gaari rakaab oo dad shacab ah la socdeen xili uu marayay duleedka magaalada Mandheera, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro badan oo dhimasho.

Inta la xaqiijiyay lix qof oo kamid ahaa dadkii saarnaa gaariga la beegsaday ayaa ku dhintay qaraxa, waxaa sidoo kale jira dad khasaaro dhaawac oo culus uu kasoo gaaray qaraxan.

Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa tagay goobta uu ka dhacay qaraxa miino, waxa ayna saraakiisha ciidanka bilaabeen baaritaano ku aadan qaraxa, iyagoona ku tuhmaya kooxda Al Shabaab .

Ma jirto ilaa hada cid sheegatay masuuliyadda qaraxan ka dhacay duleedka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, lama oga in gaariga la qarxiyay in uu ahaa bartilmaameed iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -