Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu Wasiir Fartaag kala hadlay saraakiisha Booliska Ciraaq?

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa maanta booqasho ku tagay Xarunta Taliska Guud ee Booliska dalka Ciraaq.

Wafdiga Soomaaliya ayaa waxaa safarka ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq, Sare Guud Abdul Amir Al-Shammari.

Booqashadan ayaa ujeedadeedu ahayd xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga dhinaca amniga, iyo wadaagista waayo-aragnimada si loo xoojiyo dadaallada lagu sugayo nabadgelyada iyo la-dagaallanka falalka argagixisada ee gobolka.

Masuuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo abuuri lahaa iskaashi dhow oo lagu horumarinayo adeegyada booliska iyo amniga qaranka, iyagoo diiradda saaray iskaashiga dhinacyada tababarrada, farsamada, iyo is-dhaafsiga xogaha muhiimka ah ee la xiriira amniga.

Booqashada ayaa Waxaa ku weheliyey Wasiirka, Taliye ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdalla Cabdi Cabdalla, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Yuusuf Cali Maxamed, Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq, Mudane Ridwaan Cabdullaahi Maxamed, iyo Lataliyaha Arrimaha Carabta ee Wasaaradda Amniga Gudaha.

Related posts

Maamulka Jigjiga oo bilaabay in ay gowracaan xoolaha magaalada lagu soo daayo

Cabdi Cade

Howlgal culus oo ka bilabanaya Galmudug & Max’ed Xaashi Carabey oo digniin soo saaray

Caydiid Ali

Iran oo si adag ugu jawaabtay Waddamada Reer Galbeedka ee eedeynta usoo jeediyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---